Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Rayidka xilliyada Hawlgallada Milatari iyo Colaadaha Hubeysan.
Siyaasaddan ayaa diiradda saaraysa xoojinta ilaalinta dadka rayidka ah iyo yareynta waxyeellada ka dhalan karta hawlgallada milatari iyo colaadaha hubeysan.
Daahfurka siyaasadda ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu horumarinayo habraacyada iyo masuuliyadda ciidamada Soomaaliya marka ay fulinayaan hawlgallada, iyadoo muhiimad la siinayo badbaadinta shacabka iyo dhowrista xuquuqdooda.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay in ciidamada qalabka sida ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka ka saaran ilaalinta rayidka inta lagu guda jiro hawlgallada milatari.




