Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryam Qasim Ahmed, ayaa magacaawday afar Agaasime-waaxeed oo cusub, kuwaas oo hoggaamin doona waaxyaha kala duwan ee Guddiga.
Agaasime-waaxeedyada la magacaabay ayaa kala ah:
Maqdis Cabdullaahi Cumar – Agaasimaha Waaxda Kormeerka, Cilmi-baarista iyo Warbixinnada.
Maxamed Xasan Abshir – Agaasimaha Waaxda Ilaalinta, Horumarinta iyo Tababarka Xuquuqul Insaanka.
Cabdirisaaq Xasan Macallin – Agaasimaha Waaxda Cabashooyinka, Baaritaannada iyo Adeegyada Sharciga.
Cabdiraxmaan Aadan Maxamed – Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo ICT-ga.
Dr. Maryam Qasim ayaa Agaasime-waaxeedyada cusub kula dardaarantay inay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda, iyagoo dhowraya mabaadi’da daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo madaxbannaanida Guddiga.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo howlaha iyo awoodda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, gaar ahaan ilaalinta, horumarinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.





