Masuuliyiin sare oo ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) oo safar shaqo ku jooga magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa booqasho iyo wacyigelin ku saabsan u diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah ka sameeyay deegaano ku teedsan magaalada.
Masuuliyiinta ayaa booqday deegaanada Leebow iyo Shiniile, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka deegaanka iyo bulshada, iyagoo ka xog-wareystay xaaladda deegaanka iyo baahiyaha bulshada.
Maareeye Xasan Ciise iyo Agaasime Cabdifataax oo ka socday SoDMA ayaa bulshada la wadaagay xog ku saabsan saadaasha El Niño iyo khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan iyo fatahaadaha, iyagoo bulshada ugu baaqay inay qaadaan tallaabooyin hore oo lagu yareynayo saameynta fatahaadaha.
Masuuliyiinta ayaa si gaar ah ugu baaqay bulshada inay furaan oo nadiifiyaan biyo-mareennada iyo waddooyinka gurmadka, si loo fududeeyo socodka biyaha loona xaqiijiyo in gurmadku si degdeg ah u gaari karo goobaha ay xaaladdu ka dhalato.
Guddoomiyaasha deegaanada Leebow iyo Shiniile ayaa soo dhaweeyay dadaallada SoDMA ee ku aaddan wacyigelinta iyo u diyaar-garowga musiibooyinka, iyagoo hay’adda la wadaagay xog ku saabsan xaaladda deegaanka iyo baahiyaha shacabka.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo u diyaar-garowga iyo yareynta saameynta musiibooyinka, iyadoo wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA uu haatan ku sugan yahay Beledweyne si loo dardargeliyo howlaha wacyigelinta iyo gurmadka.








