
Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed oo kusugan caasimada soomaaliya muqdisho ayaa si adag u cambaareeyey weerarradii iyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo, iyagoo muujiyey walaac ku aaddan amniga iyo badqabka shacabka ayagoo.
Xildhibaan Mukhtar Maxamed Guuleed, oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka warbixiyey warsaxaafadeedka ay Xildhibaannadu soo saareen, kaas oo lagu cambaareeyey falalka amni-darro ee magaalada ka dhacay.
Xildhibaannadu waxay tacsi iyo garab istaag u muujiyeen dadka ay waxyeelladu kasoo gaartay dhacdooyinkaasi, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga Baydhabo iyo ilaalinta shacabka.
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdooyinka, lana qaado tallaabooyin looga hortagayo in falalka noocan ah ay mar kale ka dhacaan magaalada.
Hoos ka daawo:
