
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag uga digay faragelin kasta oo dibadeed oo lagu sameeyo arrimaha gudaha dalkiisa, isagoo sheegay in ilaalinta madaxbannaanida iyo qarannimada Jabuuti ay tahay arrin aan gorgortan geli karin.
Geelle ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Cali-Sabiix, halkaas oo lagu soo gabagabeeyay kulan siyaasadeed socday muddo saddex maalmood oo uu yeeshay Xisbiga Isu-tagga Shacabka ee Horumarka (RPP).
Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay mudnaan siinayso madax-bannaanida go’aan-qaadashadeeda, amniga gudaha iyo ilaalinta midnimada bulshada, xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay ka jiraan loollan siyaasadeed iyo amni oo sii xoogeysanaya.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in midnimada shacabka iyo isku-duubnida qaranku ay yihiin difaaca ugu weyn ee Jabuuti uga hortagi karto cadaadis iyo caqabado dibadeed.
“Arrimaha gudaha ee Jabuuti waa kuwo u gaar ah shacabka iyo dowladda Jabuuti. Cidna uma oggolaaneyno faragelin ama inay ku soo xadgudubto arrimaheenna gudaha,” ayuu yiri Geelle.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dalku sii xoojin doono maalgelinta aqoonta, xirfadaha iyo awoodda muwaadiniinta, si loo dhiso Jabuuti isku filan oo awood u leh inay si madax-bannaan u wajahdo caqabadaha mustaqbalka.
