
Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 ayaa lafilayaa inuu goordhow ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirweynaha waxaa ka qaybgalaya madaxda hay’adaha warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya, warbaahinta dowlad-goboleedyada dalka, warbaahinta gaarka loo leeyahay, hay’adaha horumarinta warbaahinta, aqoonyahanno iyo daneeyayaal kale oo ku howlan arrimaha warbaahinta.
Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya Wasiirka Warfaafinta Federaalka Soomaaliya iyo wasiirrada warfaafinta dowlad-goboleedyada dalka iyo madaxda hay’adaha warbaahinta dalka.
Waxaa sidoo kale la filayaa in shirweynaha uu si rasmi ah u furo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
Madashan ayaa ah shirweynihii labaad ee noocan ah ee Soomaaliya lagu qabto, waxaana diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka warbaahinta iyo dejinta istiraatiijiyad lagu horumarinayo warbaahinta casriga ah ee Soomaaliyeed.
Inta uu shirku socdo, waxaa la filayaa in dhinacyada ka qaybgalaya ay ka wada hadlaan xaaladda warbaahinta dalka, caqabadaha horyaalla, fursadaha horumarineed iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda, warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo bahda horumarinta warbaahinta.
Shirweynaha ayaa sidoo kale la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo isbeddellada tiknoolajiyadda iyo horumarka warbaahinta casriga ah.

