
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wakiilka, Marwo Jing Song.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda Qorsheynta iyo UNHCR, gaar ahaan dhinacyada qorsheynta, isku-duwidda, kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada hay’adda, si ay si dhow ugu jaanqaadaan mudnaanta ku xusan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP).
Wasiirka iyo Ku-simaha Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay xog sugan iyo caddaymo la isku halleyn karo, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya qorsheynta horumarineed iyo go’aan-qaadashada ku saleysan xog dhab ah.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la horumariyo qaab cusub oo iskaashi, kaas oo si cad u qeexaya meelaha mudnaanta leh, hababka isku-duwidda iyo doorarka labada dhinac. Qaabkan cusub ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto sii xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada dadaallada lagu hirgelinayo mudnaanta horumarineed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay qabanqaabada kulan gaar ah oo lagu xusayo 75-guurada Axdiga Qaxootiga ee 1951, kaas oo la qorsheeyay in lagu qabto inta uu socdo Kalfadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA).
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo xoogga la saarayo in barnaamijyada horumarineed iyo kuwa la xiriira qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah ay si dhow ula jaanqaadaan mudnaanta iyo qorshayaasha qaranka.

