Janaale, Shabeellaha Hoose – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa daahfurtay mashruuc caafimaad oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka iyo u-diyaargarowga bulshada ku nool deegaannada loo arko inay halis ugu jiraan fatahaadaha ka dhalan kara saameynta El Niño.
Mashruucan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa diyaargarowga, ka hortagga iyo jawaab-celinta caafimaad ee la xiriirta saameynta fatahaadaha, iyadoo tallaabada ugu horreysa laga bilaabay Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qayb ka mid ah mashruuca ayaa lagu wareejiyey Isbitaalka Degmada Janaale, iyadoo la gaarsiiyey shixnad ay ku jiraan dawooyin iyo agab caafimaad oo muhiim ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda adeegyada caafimaad ee deegaanka.
Dawooyinka ayaa waxaa Isbitaalka Degmada Janaale ku wareejiyey Agaasimaha Caafimaadka SoDMA, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu hubinayo in xarumaha caafimaad ee ku yaalla deegaannada nugul ay helaan agabka lagama maarmaanka u ah wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah.
SoDMA ayaa sheegtay in mashruucu yahay mid lagu xoojinayo awoodda bulshada iyo adeegyada caafimaad si ay uga sii diyaar garoobaan khataraha ka dhalan kara fatahaadaha, gaar ahaan xilliyada ay jiraan digniino la xiriira xaaladaha cimilada.
Mashruuca ayaa la filayaa in laga sii ballaariyo deegaanno kale oo ay suuragal tahay inay saameeyaan fatahaadaha, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadinta nolosha bulshada, xoojinta adeegyada caafimaadka iyo yareynta saameynta musiibooyinka.





