Wasiir Ku-xigeenka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Saciid Axmed Siidii, ayaa deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeellaha Hoose kulan qado iyo dalxiis ah ugu sameeyay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur Kalay.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Deegaanka Jaziira iyo mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga.
Kulankan oo u badnaa is-dhexgal, qado iyo dalxiis ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo mas’uuliyiintu ay is-dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo xiriirka ka dhexeeya mas’uuliyiinta labada dhinac.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada maamulka, amniga iyo adeegyada bulshada, si loo taageero horumarka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan, iyadoo mas’uuliyiintu ay sii adkeeyeen muhiimadda wada-shaqeynta iyo is-dhexgalka mas’uuliyiinta heerarka kala duwan.





