Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Mudane Sharmarke Maxamed Kuulow u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamka maamulka shaqaalaha rayidka ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Mudane Sharmarke Maxamed Kuulow ayaa loo igmaday inuu hoggaamiyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka, isagoo mas’uul ka noqonaya howlaha la xiriira maamulka iyo horumarinta shaqaalaha rayidka, iyadoo la raacayo xeerarka iyo siyaasadaha u degsan hay’adaha dowladda.
Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa door muhiim ah ku leh dhismaha iyo tayeynta adeegga dowladda, gaar ahaan hannaanka shaqaaleysiinta, horumarinta awoodda shaqaalaha iyo kor u qaadista hufnaanta hay’adaha dowliga ah.
Magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Koonfur Galbeed ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah iyo tayeynta adeegyada ay bulshada u hayaan.


