Qarax loo adeegsaday Miino la dhigay goob uu ka socday dhismo ayaa ka dhacay Xaafadda Buundo weyn ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaa qaraxaas ka dhashay khasaara isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa dhintay halka labo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas ka dhacay Magaalada Baladweyne, waxaana gurmad loo fidiyay dadkii waxyeellada gaartay sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa la sheegay in ay bar kulan u ahayd shaqaalaha dhismaha ka shaqaynayay oo halkaas ay dhiganayeen qalabka ay ku shaqaynayaan inkasta oo qaraxu uu dhacay waqti hore ee saakay.
Hay’adaha Ammaanka Magaalada Baladweyne ayaa billaabay howlgallo ay ku raadinayaan dadka ay ku tuhmayaan in ay wax ka ogaayeen ama ka dambeeyay qaraxaas inkasta oo aanay jirin faahfaahin ay kasoo saareen qaraxaas.

