Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Alper Aktaş, oo u yimid kulan sagootin ah.
Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay Safiirka kaalintii uu ka qaatay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar xilka uu u gudbayo.
Soomaaliya iyo Türkiye waxay leeyihiin xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta, waxbarashada iyo caafimaadka.
Kulanka ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda xiriirka istiraatiijiga ah ee Muqdisho iyo Ankara, iyadoo labada dal ay sii wadaan iskaashiga ku aaddan arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.





