Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoogaga Guutada 21aad ee Gorgor maxay kawada hadlayn?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii shalay booqday Xarunta Taliska Qaybta 1aad ee Kumaandooska Gorgor ee Magaalada Muqdisho ayaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha iyo Ciidanka Guutada 21aad.
Guutadan oo ka tirsan Qaybta 1aad ee Ciidanka Gorgor ayaa 8-dii bishii hore ee August tababar loogu soo xiray Magaalada Manisa ee Galbeedka Turkiga, waxaana daba-yaaqadii bishaasi dib loogu soo celiyay dalka.
“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixinno ka dhageystay Taliska iyo Saraakiisha Ciidamada, isaga oo mid mid u booqday Xafiisyada Taliska, deegaanka ciidamada, isbitaalka qaybta iyo xarumaha saadka, isla-markaana u kuurgalay xaaladda guud ee ciidamada, adeegyada ay helaan iyo diyaargarowgooda howlaha qaranka.
” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka Ciidamada Gorgor ee difaaca dalka iyo la dagaalanka ururka argagaxisada Alshabaab, isaga oo faray in ay u diyaargaroobaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna ka shaqeeyaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed, ee ah xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Khawaarijta.
“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay taageeradooda joogtada ah ee ku aaddan gacanta ay ka gaysanayaan dib-u-dhiska, tababarka iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor.
Turkiga waxa uu door weyn oo muuqda ka qaataa tababarka, qalabaynta iyo xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo fure u ah amniga, difaaca iyo ilaalinta madaxbannaanida dalka.
Turkiga oo xulafo la ah Somaliya ayaa gacanta ugu weyn ka gaysta dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.
Intuu uu socday booqashada madaxweynaha xarunta X Xero damaanyo magaaalada muqdisho ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay si fagaare ah uga soo muuqday tan iyo 1-dii Sebtembar, kaddib markii maalmahan dambe dood dadweyne laga keenay halka uu ku sugnaa.
Madaxweynaha ayaa booqday Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula kulmay ciidamo ka tirsan cutubka, isaga oo u kuurgalay xaaladdooda, daryeelkooda iyo heerka ay u diyaar garoobeen waajibaadkooda ciidan.
Kormeerkan ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay diyaar-garowga ciidamada iyo howlaha ay u hayaan sugidda amniga dalka.
Ciidanka Kumaandooska Gorgor waa cutub gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la aas-aasay sanadkii 2017-kii, iyadoo qeyb ka ah iskaashi laba geesood ah oo dhinaca amniga iyo tababarka milatari ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.
Ciidamada Gorgor ayaa tababarro ku qaata gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Akademiyadda Ciidanka ee TURKSOM ee Muqdisho, iyo sidoo kale Iskuulka Tababarka Kumaandooska ee Isparta, Türkiye.
Soo muuqashada Madaxweynaha ayaa kusoo beegmeysa xilli ay baraha bulshada iyo goobaha dadweynaha ka taagneyd hadal-heyn ku saabsan maqnaanshihiisa fagaarayaasha tan iyo horraantii Sebtembar.

