
Ladan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka qeyb gashay munaasabadda “A New Era in Türkiye–Somalia Relations”, oo looga hadlayay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.
Ladan Jawaari ayaa sheegtay in xiriirka labada dal uusan ahayn mid dhawaan bilowday, balse uu leeyahay xididdo taariikhi ah oo soo jireen ah, iyadoo xustay xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo taariikhda Imaam Axmed Gurey.
Waxay sidoo kale tilmaantay in Türkiye ay Soomaaliya garab istaagtay xilliyo adag, iyadoo adkaysay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay ilaashadaan aasaaska xiriirkooda isla markaana ay sii xoojiyaan iskaashiga jiilalka soo socda.
> “Xiriirkeenna ma aha mid dhawaan bilowday; wuxuu dib ugu laabanayaa Imaam Axmed Gurey iyo xilligii Cusmaaniyiinta.
Türkiye waxay garab istaagtay Soomaaliya markii aan sida weyn ugu baahnayn.”Jawaari ayaa ugu dambeyn muujisay rajada ah in Soomaaliya iyo Türkiye ay sii xoojiyaan xiriirkooda istiraatiijiga ah, iyagoo dhisaya iskaashi waara oo ku saleysan xiriirka taariikhiga ah iyo danaha labada dhinac.

