Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Cutubka 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, kaddib kulan uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan.
Kulanka oo ahaa fadhigii 9-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Golaha Wakiillada, ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Aadan Maxamed Xasan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Marwo Shamso Maxamed Yaroow.
Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda Xildhibaannada ayaa Golaha horgeeyay nuqulka kama dambaysta ah ee wax-ka-beddelka Cutubka 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.Codaynta kaddib, 55 Mudane ayaa si wadajir ah u ansixiyay Cutubka 1-aad, iyadoo aysan jirin xildhibaanno diiday ama ka aamusay.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta iyo ansixinta Cutubka 1-aad.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray Guddiga Dastuurka, Xeer-hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanadda inay soo diyaariyaan warbixinta wax-ka-beddelka Cutubyada 2-aad iyo 3-aad, si loogu soo bandhigo fadhiga xiga ee Golaha.
Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan ayaa xusay in xildhibaannadu si firfircoon uga qayb qaateen doodihii iyo falanqayntii lagu sameeyay wax-ka-beddelka Cutubka 1-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.
Waxa uu ku bogaadiyay xildhibaannada iyo guddiga shaqada ay qabteen, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo dadaallada lagu dhammaystirayo cutubyada kale ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

