Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Xaaji Jiidow, ayaa si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Waxbarashada Maxaabiista ee Xabsiga Dhexe ee Baydhabo.
Munaasabadda daah-furka waxaa Wasiirka kala qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Ibraahim, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bay iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Baydhabo.
Barnaamijkan ayaa loogu talagalay in maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Baydhabo loo abuuro fursado ay ku helaan waxbarasho iyo xirfado aqooneed, kuwaas oo ka caawin kara horumarinta noloshooda iyo dib ugu laabashada bulshada marka ay dhammeystaan muddada xukunkooda.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dib-u-habaynta iyo dhaqancelinta maxaabiista, kor u qaadista wacyigooda iyo yareynta khatarta ah in qofku dib ugu laabto falal horseedi kara xabsi.
Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed, Maxamed Cismaan Xaaji Jiidow, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay muhiimad gaar ah siinayso sidii fursadaha waxbarasho loo gaarsiin lahaa dhammaan qaybaha bulshada, oo ay ku jiraan dadka ku jira xabsiyada.
Wasiirku wuxuu xusay in waxbarashadu aysan ku koobnayn dadka xorriyadda haysta, balse ay tahay fursad iyo aalad muhiim u ah horumarinta qofka, iyadoo qofka xiran loo diyaarinayo inuu yeesho aqoon iyo xirfado uu uga faa’iideysto mustaqbalkiisa.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in barnaamijkani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo dib-u-habaynta iyo dhaqancelinta maxaabiista, si loo siiyo fursad ay ku helaan aqoon iyo xirfado u sahli kara nolol wanaagsan marka ay dib ugu soo laabtaan bulshada.
Barnaamijka Waxbarashada Maxaabiista ayaa sidaas darteed loo arkaa tallaabo lagu xoojinayo waxbarashada, dhaqancelinta iyo diyaarinta maxaabiista si ay door wanaagsan uga qaataan bulshada marka ay dhammeystaan xukunnadooda.

