Weerarradan oo la sheegay inay ka dhaceen gudaha masaajid ayaa lala beegsaday saraakiil ka tirsan booliska Pakistan, iyadoo ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay falalkaasi.
Dowladda Afghanistan ayaa sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarradaasi, iyadoo iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay ee la xiriira amniga xuduudda labada dal.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda amni ee u dhexeysa Afghanistan iyo Pakistan, gaar ahaan arrimaha la xiriira weerarrada kooxaha hubeysan iyo amniga xuduudda ay wadaagaan labada dal.
Pakistan ayaa marar kala duwan Afghanistan ku eedeysay inay gabbaad siiso kooxaha hubeysan ee weerarrada ka geysta gudaha dalkeeda, halka maamulka Taliban ee Afghanistan uu eedeymahaasi iska fogeeyo.

