Baydhabo — Xafiiska Booliska Saldhigga Degmada Baydhabo ayaa bulshada ku nool goobaha ku xusan warqadda ogeysiiska ka xusuusiyay in muddadii loo qabtay banneynta dhulka dowladda ay ka harsan yihiin 8 maalmood, iyadoo waqtiga kama dambaysta ah uu yahay 8-da October 2026.
Booliska ayaa sheegay in ogeysiiskan lagu gaarsiiyay maamulka iyo bulshada deegaannada ay khusayso, iyadoo la fulinayo amarka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku aaddan banneynta dhulka dowladda.
Dhammaan dadka ay khusayso ayaa lagu boorriyay inay si nabadgelyo iyo sharaf leh uga guuraan goobahaas, si Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ula wareegto dhulka, isla markaana loo dardargeliyo qorshaha dhismaha xarumaha cusub ee wasaaradda.
Xafiiska Booliska Saldhigga Degmada Baydhabo ayaa bulshada uga mahadceliyay wada-shaqeynta iyo u hoggaansanaanta awaamiirta dowladda.


