Muqdisho – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday tababar ku saabsan mudnaanta iyo xasaanadda diblomaasiyadeed, kaas oo loogu talagalay saraakiil ka kala socota hay’adaha amniga iyo gaadiidka dalka.
Tababarka oo soconaya saddex maalmood waxaa ka qaybgalaya saraakiil ka tirsan Waaxda Dembi-baarista (CID), Ciidanka Taraafikada, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo Hay’adda NISA, iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Sida lagu daabacay mareegta goobjoog qaybta englishka en.goobjoog.com
Ujeeddada tababarka ayaa ah in saraakiisha la siiyo aqoon la xiriirta xeerarka iyo hab-maamuuska diblomaasiyadda, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda iyo xasaanadda diblomaasiyiinta iyo howlaha safaaradaha shisheeye ee Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in tababarku sidoo kale xoojinayo fahamka saraakiisha ee waajibaadka Soomaaliya ka saaran Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed, iyo sida loogu dhaqmo xaaladaha ay la macaamilayaan safaaradaha iyo diblomaasiyiinta dalka ku sugan. en.goobjoog.com
Tababarka waxaa furay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xamza Aadan Xaadow, iyadoo Wasaaraddu sheegtay in dhowrista mudnaanta iyo xasaanadda diblomaasiyadeed ay qayb ka tahay waajibaadka Soomaaliya ee bulshada caalamka. en.goobjoog.com
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay tababarada diblomaasiyadda iyo hab-maamuuska, iyadoo Machadka Diblomaasiyadda uu tababaro siinayo shaqaalaha dowladda iyo diblomaasiyiinta si loo xoojiyo awoodda hay’adaha iyo fahamka xeerarka caalamiga ah.
