Mas’uuliyiin ka tirsan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maalmo shaqo ku qaatay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, halkaas oo lagu qabtay kulanka Guddiga Sare ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (Board Meeting), iyo sidoo kale laba maalmood oo bandhigyo shaqo iyo tababarro ah oo loogu talagalay xubnaha Guddiga.
Intii ay ku sugnaayeen Kigali, wafdiga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Bangiga Dhexe ee Rwanda, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca bangiyada iyo maaliyadda.
Kulanka ayaa ugu dambayn ku soo dhammaaday saxiixa Heshiis Is-afgarad (MoU) oo dhexmaray labada Bangi Dhexe.
Heshiiskan ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga, wadaagista khibradaha iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada hay’adaha maaliyadeed ee labada dal.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedi karo fursado cusub iyo iskaashi waxtar u leh labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada aqoonta, khibradda iyo horumarinta hay’adaha bangiyada.
Mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Bangiga Dhexe ee Rwanda soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee loo sameeyay intii ay wafdigu ku sugnaayeen magaalada Kigali.





