Berdaale(WMN)-Wararaka laga helayo degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in daad ay kusoo rogmadeen Qaar kaimd ah degaano ay hoos tagaan degmadaasi, iyaga oo saameyn ku yeeshay howlihii muhiimka ahaa ee Magaalada, waxaana istaagay isu socodkii gadiidkii isu gudbaayay am aka shaqeynaayay tulooyin katirsan degmada berdaale.
Wadooyinka dhaxmara degmada berdaale ayaa kuyimid burbur xoogan,Waxaana biyaha ay fadhiisan ka dhigteen godadkii kadhasheen daadkaan iyo xaafadaha qaar ee dhanka bari kaxigaan degmada.
Daadadkaas ayaa waxaa ay ka dhasheen Roob maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay gaar ahaan deegaanka Goof-Gaduud Buureey iyo tuulooyin kale.
Waxaa xiran inta badan Goobaha Ganacsiga ee degmada Bardaale,kadib markii ay saameyn ku yeesheen daadadkaas, iyada oo dadka badi ku noolaa degmada Bardaale ay u barakaceen banaanka degmada, sidoo kale waxaa bur baray cariishka.
Mas’uuliyin katirsan Maamulka degmada Bardaale ayaa waxaa ay sheegeen inay wadaan dadaalo ku aadan sidii Biyaha looga saari lahaa Magaalada,waxaana Maamulka Koonfur Galbeed iyo Hay’adaha gargaarka ay ugu baaqeen in dadka barakacay ay u gurmadaan.
Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada, W/Q: Wariye Siid Cali Muuse (Ateera)