Xaalada magaalada Addis Ababa ayaa maanta degan, kaddib banaan baxyo rabshado watay oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaaladaas, kaasoo ka dhashay dilkii horaantii Todobaadkan loo geystay Fanaan caan ahaa oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada.
Goobaha ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqyada kale ayaa maanta si caadi ah u furmay, iyadoo xaalad degenaansho ka jirto goobihii dibad baxyada rabshadaha watay ka dhaceen.
Ciidamo fara badan oo kuwa Milateriga ayaa lagu daadiyay waddooyinka, si ay uga hortagaan rabshado kale oo magaalada hareeya.
Sidoo kale waxaa qeybo ka mid ah magaalooyinka Itoobiya lagu xirxiray dad kala duwan oo lala xiriirinayay inay ku lug leeyihiin dibad baxyada iyo kicinta dadweynaha.
Illaa Saddex Telefishin ayaa iyana albaabada la isugu dhiftay, kuwaasoo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxo lagu eedeeyay inay dadka kicinayeen.
Duqa magaalada Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadweynaha inay is dejiyaan oo dib ugu laabtaan goobahooda shaqo.
Intii banaan baxyada socdeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxaa la gubay, goobo kala duwan iyo dhismayaal ganacsi.
Sidoo kale intii ay shalay socotay aaska Fanaanka Haacaaluu Hundeesaa ee magaalada Ambo waxaa rasaas ay fureen Ciidamada ku geeriyooday laboq of, halka tiro kalena ku dhaawacmeen.
Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata inay awood u adeegsaneyso banaan baxyada, si aanay ugu fidin dalka oo dhan, waxaana magaalooyinka la geeyay ciidamo milateri ah.
90 ruux ayaa ku geeriyooday dibad baxyada rabshadaha watay ee hareeyay qeybo ka mid ah magaalooyinka Itoobiya.