Labo kursi oo ah ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayay Hirshabelle ayaa lagu wadaa in maanta doorashadooda ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.
Kursi ka mid ah labada kursi ee manta la dooranayo ayaa waxa tartankiisa horay iskaga hareen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Hirshabelle Abukar Maqaneey iyo Maxamed Kulmiye, Waxaana la filayaa in ay ku tartamaan Zamzam Cabdullahi iyo Naciimo Ibrahim.
Sidoo kale Kursiga kale ee lagu dooranayo Jowhar waxaa ku tartami doona Seddex Musharax oo kala ah: Cabdulqadir Xanafi, Cabdalle Cabdi Xuseen iyo Cali Shacbaan.
Doorashada Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa la qorsheynayaa in la soo gabagabeeyo kahor munaasabada sanadguurada 5aad ee ka soo wareegatay aasaaska dowlad goboleedka Hirshabelle oo ku beegan 5ta Oktobar.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa hore loogu soo doortay lix kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka sare halka labada kursi ee la filayo in maanta ay doorashadeedu dhacday uu dib u dhac kuyimid.
Halkan ka aqriso qoraalka uu ku shaaciyay Musharax Kulmiye inuu ka tanaasulay ka qeybgalka doorashada;