Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, iyada oo goordhow la doortay kursiga Afaraad ee doorashada Maanta.
Wasiirka Kalluumeysiga Maamulka Jubbaland Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga HOP 111 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna helay 79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu helay 17 cod.
Ilaa laba Kursi ayaa ka hartay doirashada Maanta, iyada oo qorshuhu yahay in la doorto lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.