Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay Magaalada Muqdisho ka wadaan diiwaangelinta & shahaado siinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ku fadhiya kursiga HOP#189 ayaa saakay lagu bilaabay shahaado siinta xildhibaanada cusub, sidoo kale waxaa qaatay Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ku fadhiya HOP#085, Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur oo ku guuleystay Kursiga HOP#051 iyo Xildhibaan Cabdillaahi Cabdi Maxamed oo ku fadhiya kursiga HOP#264.
HOP#051 iyo Xildhibaan Cabdillaahi Cabdi Maxamed oo ku fadhiya kursiga HOP#264 ayaa qaatay shahaadooyinka xildhibaanimo ee BJFS.
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa la filayaa inay Maanta Shahaadada Xildhibaanimo ay siiyaan Xildhibaano dhowr ah, waxaana Gudoomiyaha Guddiga uu markale ka dalbaday Xildhibaannada dalka ka maqan inay deg deg u soo gaaraan muqdisho si ay shahaadada u qaataan.