NISA oo soo bandhigtay Sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab & hub uu watay+Sawiro written by Warsan Radio 29/04/2022 Taliska Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay mid kamid ah Saraakiisha Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Weerarada Jabhadaha muddo 8-sano uu ka tirsanaa, sida ay sheegeen sraakiisha NISA ee Koonfur Galbeed.Ciise Cumar Deerow oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegy in uu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay, waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugida ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Al-Shabaab oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & hal BKM ama Dabajeex.Sidoo kale Cumar ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka ku hayaan, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada kale ee weli kasii tirsan Ururka Al-Shabaab inay isaga oo baxaan.Saraakiisha Ciidamad Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed aya dhankooda u mahad celiyay Ciise Cumar maadama uu kasoo baxay Ururka Al-Shabaab, waxana ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan qof kasta oo kasoo tagaya. NISA oo soo bandhigtay Sarkaal kasoo goostay Al-Shabaab & hub uu watay+Sawiro was last modified: April 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Turkiga oo safar deg deg ah ku tegay Sacuudiga next post Qarax ay askar ku geriyoodeen oo Maanta ka dhacay Shabeellaha Hoose You may also like Wararkii ugu danbeeyay Gantaalo lagu Weeraray Israa’iil 07/10/2023 Taliska Booliska oo Faah Faahin ka bixiyay Qarax ka dhacay Muqdisho 02/09/2023 Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay cambaareyn uga timid Beesha Caalamka 27/07/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 05/03/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Bidhaamiye Qeybta 11 aad 18/08/2020 DAAWO: Video 101 Qof Tahriibayaal Somaali ah oo ciidamada Suudaan Xabsi ku Xaabiyey 10/01/2017 Maamulka G/Banaadir oo sheegay inay tallaabo ka qaadayaan dadka ka ganacsada daawooyinka dhacay 27/05/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 22/08/2021 Sacuudiga ayaa Amray in Hal Bilyan Dollar lau maalgeliyo Pakistan 26/08/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.