Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF written by Warsan Radio 20/06/2022 Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEFSiihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celisay sida loo soo dhaweeyay , iyada oo sheegtay inay wadashqeyn wanaagsan dhexmari doonto.Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda , Balal Maxamed Cusmaan , ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Wakiilka Cusub, isaga oo sheegay in ay wax badan ka wada Shaqeyn doonaan. Dowladda Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka Hay’adda UNICEF was last modified: June 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post lix Carruur ah oo nafaqo darro ugu geeriyootay degmo katirsan Gobolka Hiiraan next post Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray degmada Dooloow ee Gobolka Gedo You may also like Dhageyso:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 15/06/2020 Xubno kamid ah noqonaya Golaha degaanka Magaalada Jowhar oo Maanta la doortay 24/10/2023 AMISOM oo beenisay wararka sheegaya in dad badan ku laayeen duleedka Muqdisho 25/10/2017 DAAWO VIDEO Hay’ ada Qalam ayaa waxa ay Deeq Biyaha ay gaarsiisey Deegaanooyin Xoos Yimada Magalada Baydhabo oo Biyo Lacaan daran ka jirto 06/02/2017 Shirka Guddiga Farsamada Soomaaliya iyo Somaliland oo maalinti labaad galay 17/06/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee RAdio Warsan 05/06/2020 General Odowaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Ethiopia 24/08/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/06/2022 Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay wax soo saarka Beeraha iyo suuqyada “SAWIRRO” 08/04/2021 Qarax Muqdisho ka dhacay iyo Dowladda oo war kasoo saartay 17/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.