DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA written by Warsan Radio 21/06/2022 Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, waxaa lagaga wadahadlay dhowr arrimood, oo ay ku jirto xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha iyo horumarinta xiriir adag oo togan iyadoo la kordhinayo waxqabadka howlaha ay hay’adda UNFPA ka waddo dalka.Xiriirka dowladda Federaalka & Hay’adda UNFPA ayaa taasoo ka qaadanaya in la gaaro yoolalka ka baxsan gargaarka bani’aadanimo oo ah hagaajinta nolosha muwaadiniinta iyo joogtaynta shaqada ee dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo taageerada bulshada.Kulanka qaabilaadda ee Wakiilka cusub ee UNFPA waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska ee Wasaaradda, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Ururrada Adduunka, Mudane Xasan Maxamed Cali. DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha next post Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafka You may also like Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada warsan 18/10/2022 Dowlada Federalka oo dalbatay in la bedelo Ergeyga cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya 10/05/2021 Qoor Qoor oo Booliska Galmudug Amray ka hortegida weerarrada Al-Shabaab 29/03/2022 Madaxweynaha Jubbaland oo tababar u soo xiray Ciidamo sugaya Amniga degaannadii laga saaray Al-Shabaab 04/02/2023 Dhageyso:-Warka Caawa Radio Warsan 09/05/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 10/01/2023 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 03/06/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 07/11/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 04/09/2022 DAAWO VIDEO ENG SALAX OO SHEEGAY IN OO YAHAY MUSHARAX MADAXWEEYNE KGS 03/10/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.