Puntland oo dil toogasho ku xukuntay Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo written by Warsan Radio 21/06/2022 Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid rag lagu helay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shabaab’ kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.Afarta ragga ee Maanta Puntland xukunka dilka ah ku riday ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin, Jaamac Aadan tusbaxle, Ayuub Cumar shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamuud Abshir Muuse, kuwaas oo Ciidamada Puntland ay howlgallo kusoo qabteenDhame Cali Ibraahim Cismaan oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkmada Ciidamada xarunteeda Boosaaso ayaa sheegay in baaritaan dheer oo lagu sameeyay ay ku cadaatay dambiyada loo heysto, isla markaana ay dil toogasho ku xukumeen.Puntland ayaa horay waxaa ay xukuno dil ah ugu fulisay rag lagu helay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana dilal iyo qaraxyo ay ka geysteen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Puntland oo dil toogasho ku xukuntay Shabakad ku eedaysan Shabaabnimo was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan. next post Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo You may also like Markab Ku Degay Badda Cas Oo Laga cabsi qawo iyo Qatar Ka Dhalan Kara 01/09/2022 Shirka wada-tashiga guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka oo magaalada Baydhabo ka socda (Sawirro) 30/11/2020 DHAGEYSO ATHIINY MO’OSHIITHY QEYBTII 13 AAD OO KI TIRSANGH QEYBTII 4AAD MAREGHDII TARASH 04/03/2017 Maxay ka wadahadleen ururada bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka? 10/02/2021 Kenya oo sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda ee kala dhexaysa Soomaaliya 14/03/2021 Goodax Barre: Waa cunsuriyad in Beledweyne laga dhigo xabsi dusha ka furan 29/12/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 15/07/2020 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 23/10/2022 Shirweynaha Caalamiga Ee Malgashiga Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay 28/11/2022 Banaan baxyo lagu taageerayo DF Itoobiya oo gilgilay magaalooyin waaweyn oo ku yaalla dalkaasi 29/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.