Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada written by Warsan Radio 21/06/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee shaqada ka sii tagaya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa la filayaa in Maalinta Berito oo Arbaco ah la horgeeyo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan kadibna uu u soo magacaabo.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble 17-kii Bishii September waxaa xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xukuumaddiisa ay soo martay marxalado kala duwan iyo khilaaf kala dhaxeeyay Madaxweynihii xilka baneeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Rooble oo Maanta guddoomiyay shirkiisii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo next post Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga Arrimaha Dastuurka ee la Magacaabay You may also like Khasaare badan oo ka dhashay dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan Gobalka Hiiraan 25/11/2020 Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Muqdisho 11/02/2024 Mucaaradka oo Xukuumadda Somaliland u gudbiyay qoraal ay ku dalbanayaan banaanbax 07/08/2022 Maxkamadda Ciidamada oo Xukunno kala duwan ku ridaay Askar 19/02/2024 Britain oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya 25/05/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha xubinta weydiimaha su’aalaha 26/01/2022 Japan oo sanad ku dartay Howlgalkeedii la dagaalanka Burcad badeeda Somalia 10/11/2020 Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose 29/05/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 03/01/2021 Wararkii Ugu Dambeeyay kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre 25/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.