Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa written by Warsan Radio 29/06/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa oo kuyaalla Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu shalay xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii xilgaarsiinta ahaa ee Maxamed Xuseen Rooble.Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi barre oo xilka loo magacaabay 15-kii Bishaan ayaa waxaa xilligaan wixii ka dambeeya uu bilaabayaa wadatashiyo ku aadan sidii uu u soo magacaabi lahaa Golihiisa wasiirada, waxaana jira siyaasiyiin xilal haya iyo kuwo horay u soo qabtay oo doonaya inay kasoo hde muuqdaan Golihiisa Wasiirada.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa kamid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu doortay magaalada Kismaayo, isaga oo sidoo kale noqday Guddoomiyihii Guddiga doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah oo u baahan in wax lag qabto, sida agaajinta xiriirka Arrimaha dibadda, Shaqaaleynta dhalinyarada iyo arrimo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu kulamo uu la qaadanayo saamileyda siyaasadeed ee dalka ka hor inta uusan soo Magacaabin golihiisa Wasiirada. Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa was last modified: June 29th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Madaxweynaha KGS? next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Saciid Deni oo Golaha Deegaanka Eyl ugu baaqay ka shaqeynta Nabada iyo hormarka deeganka Eyl 19/09/2022 Dhageyso: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Daahfurey Buugagta Manhajka Cusub ee Dugsiyada Hoose iyo Dhex. 24/12/2019 SAWIRO:Wasaaradda boostada isgaarsinta iyo Teknoolajiyada Dowladda KG Oo la kulantey Shirkadaha isgaarsinta Magaalada Baydhawo. 01/09/2019 Dhageyso:-GUDOOMIYE KU XIGEENKA LABAAD EE ARIMAHA BULSHADA DEGMADA WAAJID 01/03/2018 Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dil geystay 26/07/2023 Khabiirkii kubadda cagta Diego Maradona oo geeriyooday 26/11/2020 Turkey oo Sheegtay ‘inuu waqti un ka xigo’ dagaal ay la gasho Greece 06/09/2020 Daawo Video Shir maanta ay iskugu yimaadeen maamuka gobalka bay iyo gudiga danwadaag oo ka dhacay baydhabo 28/01/2017 Dhageyso: Webiga Shabelle ee mara Gobalada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa keenay biyo badan, ka dib markii guray bilihii la soo dhaafay {warbixin} 17/04/2017 Qaramada Midoobay Oo Dalbatay Gargaar Bani’aadanimo Oo Gaaraya 41 Bilyan 03/12/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.