Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka written by Warsan Radio 05/07/2022 Shiinaha ayaa beeniyay eedeyn mas’uuliyad darro ay ku tilmaantay oo uga timid madaxa hay’adda saadaasha hawada ee Maraykanka, kaasoo sheegay in xukuumadda Beijing ay qabsan rabo qeyb dayaxa.Bill Nelson oo ah maamulaha hay’adda NASA ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ku sheegay in Shiinaha uu wado qorshe uu mashruuc milateri uga fulinayo guudka dayaxa.Shiinaha sanadihii la soo dhaafay sare u qaaday hawlgalladiisa ku aaddan dayaxa, waxaana uu dayax-gacmeed aanay cidna saarnayn ku dejiyay dayaxa sanadkii 2013. Beijing ayaa sidoo kale doonaysa in dayax-gacmeed awood badan oo qaadi kara cir-bixiyayaal ay dayaxa u dirto inta aan la gaarin 2030.“Waa arrin walaaceeda leh in Shiinaha uu gaarayo dayaxa, kadibna oran doono “inaga ayaa leh oo cidna uma soo dhawaan karto,” ayuu Bill Nelson ku sheegay waraysiga.Waxa uu intaa raaciyay in barnaamijka hawada sare ee Shiinaha uu yahay mid ku salaysan cudud milateri, isla markaana ay xukuumadda Beijing fekrado iyo tiknolaajiyad ku aaddan hawlgalkaas ay ka xaday dalal kale.Ma aha markii u horreysay ee madaxa hay’adda NASA uu iska indho-tiray xaqiiqda, isla markaana uu sheegay hadal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah Shiinaha,” ayuu yiri Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha. Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho next post Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa You may also like Maamulka Galmudug oo hub ka dhigis ku sameynaysa Maleeshiyaadka ku sugan Galgaduud 14/06/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 09/11/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/11/2020 Madasha xisbiyada qaran oo taageeray Go’aan kasoo baxay guddoomiyaha aqalka sare 26/06/2020 Diyaaradaha dagaalka Israel oo duqeeyay Marinka Gaza 21/04/2022 Shirka Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Oo Goordhow Furmay 03/02/2021 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 28/09/2020 Hay’adda Amnest oo Maraykanka ugu baaqday inuu magdhow siiyo dhibanayaasha rayidka ee duqeymaha cirka ee Soomaaliya 31/07/2020 Dhageyso:_-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 05/05/2020 Dhageyso:-Warka Galabnimo ee Radio Warsan 08/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.