Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya written by Warsan Radio 10/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa la filayaa in uu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas mudane Isaias Afwerki.labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal yeellan doonaan iyo Arrimo kale oo ku saabsan Geeska Afrika.Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia. Warkan ayaan loo heyn wax caddeyn ah oo xaqiijinaya.Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbanayay xogta la xiriira caruurtooda.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya was last modified: July 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan next post Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay You may also like Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka 23/01/2023 Maamulka Gobolka Banaadir oo burburiyay goobo ganacsi oo ku yaallay waddada Maka Al-mukarrama 21/05/2020 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/07/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacda Warsan 08/07/2020 Maleeshiyaad la wareegay Saldhig ku yaalla Magalada Gaalkacyo. 28/04/2019 Halyeeyga kubbadda cagta ee reer Brazil Pele oo isbitaal la dhigay 19/09/2021 Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay habraaca shaqo-siinta dibadda ee shaqaalaha xoogsatada Soomaaliyeed 17/06/2021 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Bangiga Dhiigga Soomaaliyeed 13/10/2019 Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Xildhibaannada lagu doortay Ceelwaaq 12/05/2022 Afgambi Milatari oo ka dhacay dalka Myanmar 01/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.