RW Xamsa oo shaaciyey inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish written by Warsan Radio 20/07/2022 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya ka go’an tahay inay qaaddo hawlgal iskugu jira mid milatari iyo mid aan milatari ahayn oo ka dhan ah ururrada Al-Shabaab iyo Daacish.Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay maanta kulan ay mas’uuliyiita dawladdu la yeesheen xubno ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalka ka dhanka ah kooxahaas uu noqon doono mid xooggan oo dhammaystiran.Waxa uu sheegay inay ujeeddadu tahay in la xajisto guulihii la gaaray, iyo in dib loo furo jidadka ay marayso sahayda, baabuurta ganacsiga iyo dadweynaha isku safraya.Xamza ayaa sidoo kale sheegay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.Waxa uu uga mahadceliyey Midowga Afrika “naf-hurnimada” ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan lagu soo waajahayey Al-Shabaab aysan ahayn mid ku filan, waxaana uu sheegay in siyaasadda ah in Al-Shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkoodana la iska mooso ay guul darraysatay. RW Xamsa oo shaaciyey inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay waqtiga uu xilka ka dagayo next post Awaamiir laga soo saarey nabad-gelyadda magaalada Boosaaso You may also like Dhageyso:-Caawa Trtanka oo ah Habeenkii 7aad waxaa Nasiib Uyeeshay iney Ka qeeb Qaataan Xaafadaha kala ah Cadaada {A} Salamey {B} WAA TARTAN XIISO LEH 23-5-2018 24/05/2018 Weerar Hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka AMISOM 29/06/2020 Gobolka Benaadir oo markii ugu horeysay laga waayey kiisas cusub oo COVID-19 ah 08/06/2020 Dhageyso:-Maalinta wacyingelinta cudurka qaaxada oo lagu qabtay Baydhabo. 25/03/2018 Bosnia oo diiday in ay taageerto cunaqabateynta Midowga Yurub ay kusoo rogeen Ruushka 21/05/2022 Golaha Ammaanka oo muddo lix bilood ah ku kordhiyay dhimista ciidanka ATMIS ee Soomaaliya 22/12/2022 Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un oo meel fagaare ah lagu arkay 26/08/2020 Dowladda Itoobiya oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay Qaar kamid ah Saraakiisha TPLF 11/01/2021 Hirshabeelle oo maanta qaban doonta doorashada Saddex kursi 30/04/2022 Akhriso:-wafdi oo hoggaaminayo Gudoomiyaha Aqalka Sare oo shir uga qeyb galaya Koofurta Kuuriya 06/02/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.