Itoobiya oo sheegtay inay dishay 85 ka tirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 27/07/2022 Ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa dilay 85 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya , sida ay sheegeen idaacadda dowladda Itoobiya iyo taliye ka tirsan gobolka, maalmo kadib markii Al-Shabaab ay weerarro naadir ah ku qaadeen deegaankaas.Dagaalkan ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo isku dayaya in uu damiyo kacdoonka ka socda gobolka Oromada, islamarkaana uu dejiyo macaaradka aan raali ka ahayn ee ku sugan gobolka Axmaarada, isla markaana uu wadahadallo nabadeed la bilaabo gobolka waqooyi ee Tigrayga.Telefiishanka Itoobiya ee ITV ayaa sheegay in ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dileen 85 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaa ka badanna ay ku qabteen degmada Feerfeer oo ku dhow xadka Soomaaliya.Taliye ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in 85 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Wakaalada wararka ee Reuters uma suurta galin in ay la xiriirto afhayeen u hadlay Al-Shabaab si ay uga hadlaan arrinkan.Taliyahan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dileen guud ahaan 243 ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ay weerareen laba tuulo Arbacadii la soo dhaafay, islamarkaana 22 ka mid ah askartiisa laga dilay dagaalkan. Itoobiya oo sheegtay inay dishay 85 ka tirsan Al-Shabaab was last modified: July 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Qarax Lagu Dilay Guddoomiyihii Marka Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose next post RW Xamse oo markii ugu horreeysay ka hadlay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 22/08/2023 Gudoomiyihii maamulka Garissa oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Nairobi (Sawiro) 15/09/2020 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Denmark 19/10/2019 Soomaalidii caanka ahaa ee sanadkan u dhintay Covid 19 31/12/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/07/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/09/2020 Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada oo kuwajahan Gobolka Gedo 20/06/2022 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 28/07/2022 Dagaalkii Mareykanka iyo Shiinaha ee Covid-19 oo dib usoo laba kacleeyay. 08/06/2020 Cabdiraxmaan Cabdishakuur ” Xildhibaannadii carqaladeeyay hadal jeedintii madaxweynaha furitaankii kalfadhigii Baarlamanka, ma aheyn wax khalad ah” 08/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.