Dokumentiyo sir ah oo laga helay guriga Madaxweynihii hore Trump written by Warsan Radio 13/08/2022 Hay’adda FBI-da Maraykanka ayaa ka heshay guriga madaxweynihii hore ee Donald Trump, dokumentiyo lagu calaamadiyey inay yihiin “Sir Qaran” oo loo ogol yahay inay arki karaan oo keliya dad koobani, sida ku xusan qoraalkii ogolaanshaha ahaa ee lagu baadhay guriga madaxweynihii hore oo uu baahiyey garsoorihii amarkaas saxeexay.Qoraalka ka soo baxay maxkamadda ayaa muujinaya in saraakiisha FBI-du inay ka soo heleen guriga madaxweyne Trump, illaa 11 diiwaan oo ah macluumaad sir ah oo aan loo ogolayn inay dad koobani arki karaan, sida ku cad waraaqda diiwaanka ee ay maxkamadda u gudbiyeen saraakiisha FBI-du ka dib markii ay baadhista dhameeyeen.Saraakiisha FBI-da ayaa marka hore waxay maxkamadda ka codsadaan ogolaansho ah, inay baadhis samayn karaan, ka dib marka ay baadhista sameeyaanna waxay maxkamadda la wadaagaan macluumaadkii ay ka soo qaadeen goobta ay baadheen, si ay u caddeeyaan wixii ay ka heleen goobta baadhista.Diiwaanada sirta ah ee laga helay guriga madaxweynihii hore ee Trump ayay ku jiraan, kuwo ku diiwaangashan inay yihiin “sir” iyo kuwo ku calaamadsan inay yihiin “Sir Qaran” ama “Top Secret”. Maxkamaddu ma bixinin faahfaahin intaas ka badan oo la xidhiidha nooca macluumaadka ku jira diiwaanka sirta ah ee laga soo qaaday guriga madaxweynaha hore.Madaxweyne Trump oo bayaan soo saaray Jimcihii maanta ayaa sheegay in dhammaan macluumaadka laga qaatay gurigiisa inay ahaayeen kuwo laga saaray sir ahaanshaha “Declasiffied” oo la shaacin karo, wuxuuna sheegay inuu dukumentiyada u wareejin lahaa Waaxda Caddaaladda haddii la weydiiyo.Madaxweynaha xilka haya oo keliya ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaadho in la faafin karo macluumaad marka hore lagu calaamadiyey inay sir yihiin, hase ahaatee madaxweynuhu marka uu xilka ka dego awoodaas malaha. Dokumentiyo sir ah oo laga helay guriga Madaxweynihii hore Trump was last modified: August 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post CXDS oo sheegay degaano ku yaalla Hiiraan in ay kala wareegeen Shabaab next post Dowladda Imaraadka Carabta oo gargaar ku taageeri doonta 2.5 milyan oo qof You may also like Akhriso:-kenya oo raadinaysa in ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay soo farageliso muranka Badda ee kataagan 18/06/2019 Golaha Wasiirada oo maanta yeelanaya shir aan caadi aheyn 05/12/2020 Ciidamda Maamulka Somaliland Oo Goordhaw La Wareegay Degmo Ay Isaga Baxeen Ciidamada Puntland 31/10/2022 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 08/05/2017 Muwaadin soomaaliyeed oo lagu dilay koonfur afrika 14/06/2020 Daawo video Hay,ada D,d g Ayaa lagu Daha Furey Degmada baradale Ee Gobolka Bay . 28/02/2017 Weriye caan ah oo caawa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus 27/04/2020 Turkiga oo garab istaag u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 16/05/2022 Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo is casilay 02/01/2022 Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Raashin Ah Gaarsiiyay Degmada Diinsoor 05/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.