Baydhabo-{WMN}- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huurse ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda IOM oo ay hoggaamineysay Ku xigeenka Xoghayaha guud ee hay’adda IOM Amy Pope
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa la taliyaha khaaska ah ee ku xigeenka Xoghayaha guud Kristin Dadey, Madaxa Bariga Africa Mohammed Abdiker, la taliyaha Madaxa Bariga Africa Said Sheikh Abdi iyo Madaxa hay’adda u qaabilsan Soomaaliya.
Kulanka Wasiirka iyo ku xigeenka Xoghayaha guud ee hay’adda IOM ayaa diiradda lagu saaray dardar gelinta hawlaha ay hay’addu ka hayso gudaha Soomaaliya, sida tayeynta shaqaalaha iyo hay’addaha dawladda, xirfad iyo shaqo u abuurista Barakcayaasha iyo qaxootiga.
Sidoo kale kulanka inta uu socday ayee ku gorfeeyeen sidii Bulshada looga caawin lahaa Arrimaha Waxbarashada, gaar ahaan kuwa aan awoodin, sidoo kale waxa ay ka doodeeyn sidii la’iskuugu xiri lahaa qurba joogta iyo fududaynta sidii ay ugu faa’iideyn lahaayeen shacabka, wax ka qabashada arrimaha abaaraha.
Ku xigeenka Xoghayaha guud ee hay’adda IOM Amy Pope oo Muqdisho ku joogta Booqasho ayaa 11 September 2022-ka kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ay ka wada hadleyn arrimo dhowr ah, kuwaas oo ka mid ahaa sidii gurmadka Abaaraha uga wada qeyb qaadan lahaayeen.