Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday written by Warsan Radio 13/10/2022 Waxaa Maanta degaanka Yasooman ee gobolka hiiraan gaaray gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo ka yimid dhinaca degmada guriceel ee gobolka Galgaduud si ay u caawiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa xoreynta gobolka Hiiraan ee halkaas ku sugan.Shalay degaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab, kadib markii weerar qaraxyo ku bilaawday ay degaankaas ku qaadeen Ururka Al-Shabaab.Ciidamada Maanta tegay degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Xildhibaano katirsan golaha Shacabka, Guddoomiyaha gobolka hiiraan & Saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugan degaankas.Waa gurmadkii ugu horreeyay ee Gobolka Galgaduud uga yimaada Gobolka hiiraan marka laga reebo Ciidamada qeybta 21aad o mararka qaar ka qeyb geli jiray dagaalada ka socda Gobolka hiiraan, waxaana ay Ciidamadaan si toos ah ugu biiraan howlgallada ka dhanka ah urur aAl-Shabaab.Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowladda Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer qeylo dhaan muujiyay, iyaga oo sheegay in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, taas oo keentay in mid kamid ah Beelaha dega gobolka Galgaduud ay gurmad u soo diraan. Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday was last modified: October 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab next post Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray Addis Ababa You may also like Mareykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya 30/03/2023 Dhageyso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Booqday Berdaale 09/11/2019 Cali Guudlaawe iyo Wasiirk Gashaandhiga oo ka wada hadlay dagaalka Al-Shabaab 23/08/2022 Xildhibaano sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay u dhici laheyd doorasho qof iyo cod 03/08/2020 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 01/07/2022 Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 27/09/2022 Khasaaro ka dhashay weerar Bambo Gacmeed oo ka dhacay Magaalada Marka 08/12/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 10/06/2022 Qatar oo shaacisay lacagta ay ku bixineyso dib u dhiska Gaza 27/05/2021 Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan 14/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.