Akhriso: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen RW Xamse Barre Iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti written by Warsan Radio 09/11/2022 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa galabta kulan kula qaatay Guriga Ummadda, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.Ra’iisul Wasaare Xamse oo uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Kaamil soo dhaweynta walaaltinimo, ayaa xusay sida ay Jabuuti mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, booqashadanna ay tahay mid xoojineysa xiriirka amni, diblomaasi, bulsho iyo dhaqan ee ka dhaxeeya labada waddan.Mudane Cabdulqaadir Kaamil Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Xamse waddankiisa labaad, isla markaana ay booqashadiisu muujineyso iskaashiga iyo xiriirka sokeeye ee taariikhiga ah.Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xubnaha wafdigiis ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, si loo sii dardargeliyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, loogana miro-dhaliyo hiigsiga ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.Waxaana RW Xamse oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaynaysay oo ku aaddanayd socdaalkiisa, waxaana uu sheegay in Casuumaaddiisa ay timid, kadib markii labada Ra’iisul Wasaare ay horay ugu kulmeen dalka Tunisa, markaasi oo ay isla Qorsheeyeen in ay ku kulmaan dalka Jabuuti. Akhriso: Qodobada Ay Ka Wada Hadleen RW Xamse Barre Iyo Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti was last modified: November 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka 15/06/2022 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Muqdisho 21/03/2021 Ra’iisul wasaare xil haya oo Usama Bin Laden ku tilmaamay nin “shahiiday” 27/06/2020 Xilliga la qaban doono Saddex kursi oo ka mid ah Doorashada Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay 22/01/2022 Amiir caan ka ah dalka Nigeria oo la afduubtay 12/07/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 14/08/2023 Diyaarad Muqdisho lagu keenay Arday ka qeyb galeysa Imtixaanka Shahaadiga (Sawirro) 19/07/2020 DHGEYSO:-BARNAAMIJKA BEERAHA 16/10/2020 DHAGEYSO:- QAAR KAMID AH SHACABKA KU NOOL MAGALADA BAYDHABO OO DHAWEEYEY HORMARADA AY KAJIRAAN MAGALDAASI>> 27/11/2016 DHAGEYSO:-WARKA HAEN EE IDAACADA WARSAN WAXAA CAAWA IDIN SOO GAARSIINAYSA SHUKRI BIDHAAN DHAGEEYSI FIICAN 15/12/2016 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.