Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine written by Warsan Radio 13/12/2022 Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub ayaa ka fekeraya cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka iyo weliba inay ansixiyaan lacago dheeri ah, oo dalka Ukraine lagaga taageero dhinaca hawlaha milateriga. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo Maraykanku uu ballan qaaday taageerada joogtada ah ee Ukraine, xilli uu dalkaasi la baaxaa degayo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ku hayaan ciidamada Ruushku kaabayaasha muhiimka ah ee dalkaas.Lacagta uu Midawga Yurub soo jeediyey ee lagaga doodayo Brussels, ayaa gaadhaysa illaa $2.1 bilyan oo dollar oo dalkaas lagaga caawinayo dhinaca saadka hubka ee la geynayo.Midawga Yurub ayaa horey u soo rogay sideed wareeg oo cunaqabatayn ah oo lagu beegsanayo shakhsiyaadka iyo wershedaha Ruushka, si ay uga jawaabaan duulaanka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.Wareega sagaalaad ee cunaqabataynada ee uu soo rogayo Midawga Yurub ayaa lagu beegsanayaa saraakiil ka tirsan dawladda Ruushka, wershedaha soo saara qalabka difaaca iyo weliba bangiyada Ruushka. Midawga Yurub oo qorshaynaya inay taageero milari u fidiyaan Ukraine was last modified: December 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Iran ayaa xukun deldelaada ku fulisay qofkii labaad ee ka mida debedbaxayaasha next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Afar nooc DOORASHO oo lasoo saaray miiska shirka Dhuusamareeb 3 iyo midda uu rabo madaxweynaha 18/08/2020 DFS oo si kulul ula hadashay Midowga Afrika” Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono caga- jiid, been abuur ah” 10/11/2021 Ruushka oo ku fashilmay in uu la wareego magaalo muhiim ah oo Ukraine ku taal 14/05/2022 Dhageyso:-Wareysi Kulul Muxdiin Xusni iyo xildhibaanka Shukuna xusein Maxaa ka Laqabsaday? 05/07/2017 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 16/11/2021 Vibeo:-GABAY AfMAAY OO LAGU CANAANTEY QASWADAYAASHA HORMARKA DEGAANKA KGS 07/09/2017 Yoweri Museveni oo markale ku guuleystey doorashada Madaxtinimada Uganda 16/01/2021 Israa’iil iyo Xamaas oo kordhiyay heshiiska xabad joojinta ah ee u dhaxeeya 28/11/2023 SAWIRO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Kenya oo booqasho ku yimid Somaliya kana hadlay dagaalka Al-Shabaab 08/06/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka 12/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.