Kalluumeysato muddo u afduubnaa Al-shabaab oo dib ugu laabtay Iran written by Warsan Radio 26/12/2022 Afar iyo toban kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo ay gacanta ku dhigeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, oo qaarkood la qabtay muddo siddeed sano ah kahor ayaa dib ugu laabtay dalkooda, sida ay maanta oo Axad ah sheegtay wakaaladda wararka ee jamhuuriyadda Islaamiga ah.Sida ay ku qortay wakaaladda wararka ee AFP , kalluumeysatada ayaa laga soo afduubtay biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, waxaana la sii daayay kadib “wadaxaajood dheer oo ay la yeesheen madaxda dowladda, isimada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ISNA.Waxaa lagu soo dhaweeyay xaflad gaar ah oo ka dhacday garoonka caalamiga ah ee Tehran ee Imam Khumeyni habeenimadii Sabtida kahor inta aan loo dhoofin magaalada koonfurta ee ay ku nool yihiin ee Chabahar.Siideyntooda ayaa timid ku dhawaad hal bil kadib markii booliska Soomaaliya ay sheegeen in ay ka heleen meel u dhow dhul ay gacanta ku hayaan 20 ajaaniib ah oo kala ah 14 Iranian ah iyo lix Pakistani ah.Ma cadda sida ay ku timid in la sii daayo, iyadoo booliiskuna aysan bixin faahfaahin dheeraad ah, iyagoo soo xiganaya baaritaan socda. Kalluumeysato muddo u afduubnaa Al-shabaab oo dib ugu laabtay Iran was last modified: December 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. You may also like Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo shaqo joojin ku sameeyey guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir 21/04/2020 Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle oo gaaray Baladweyne 03/07/2021 DHAGEYSO SHARIIF XASAN OO LAFALANGEEYEY DHIBAATADA UU KU HAAYO KOONFUR GALBEED DHAGAYSI WANAAGSAN 21/01/2017 DF oo Turkiga weydiisatay inuu u sameeyo warshad Oxygen-ka sameysa 23/02/2021 Sii Hayaha Xilka RW oo booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda 27/07/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/10/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 15/03/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 16/10/2022 Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo kusoo jeeday Muqdisho oo la qabtay (Sawirro) 19/08/2020 Beesha caalamka oo war kasoo saartay qalalaasihii Hargaysa ka dhacay 10/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.