Congress-ka Maraykanka oo markii 14aad isku dayaya inuu doorto Afhayeenka golaha written by Warsan Radio 07/01/2023 Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa maalintii afraad wuxuu ku guda jiraa doorashada afhayeenka golaha, iyada oo xildhibaanada kala qaybsan ee xisbiga Jamhuuriga oo haysta aqlabiyadda goluhu ay ku guul daraysteen inay isku raacaan hal musharax oo noqda afhayeenka golaha.Kevin McCarthy oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa 13 jeer oo la codeeyey wuxuu gaadhi waayey codad ku filan oo uu ku noqdo afhayeenka golaha.Illaa 20 musharax oo ka mida xisbiga Jamhuuriga ayaa ka soo horjeestay musharax xisbiga Jamhuurigu wato ee Kevin McCarthy, hase ahaatee, mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegaya inuu jiro isfaham iyo isu soo dhowaansho.Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay inay jiraan illaa 15 mudane oo hore uga soo horjeeday Kevin McCarthy oo haatan laga rajo qabo inay u codeeyaan.Golaha ayaa haatan bilaabay inuu markii 14aad u codeeyo afhayeenka golaha congresska.Arrintan ayaa noqotay loollankii ugu muddada dheeraa ee loo galo kursiga afhayeenka golaha congress-ka muddo ku siman 164 sannadood.Xildhibaanada golaha Congresska ayaa ka kooban 435 mudane, waxaana musharaxa noqonaya afhayeenka golaha looga baahan yahay inuu helo 218 cod. Xisbiga Jamhuuriga ayaa haysta 222 cod, hase ahaatee xildhibaanada qaarkood ayaa diidan musharaxa xisbigooda, una arka inaanu u qalmin booska uu u tartamayo. Congress-ka Maraykanka oo markii 14aad isku dayaya inuu doorto Afhayeenka golaha was last modified: January 7th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. next post Hadal hayn ka dhalatay, wiilka uu dhalay boqorka UK oo sheegay inuu dilay 25 qof You may also like Xanuun cusub oo aan wali la garan oo dad badan loo seexiyey isbitaal dalka Hindiya. 08/12/2020 Raiisul Wasaaraha Uk “Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada” 02/04/2022 Guddiga doorashooyinka Qaranka oo beeniyey Warar laga faafiyey 16/04/2020 Axmed Madoobe oo sheegay in deg deg lagu dooran doono kuraasta dhiman ee G/ Gedo 11/04/2022 Barnaamijka Kulanka Warsan 29/09/2021 Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo qaabilay Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha & Federaalka 30/03/2022 War Murtiyeed laga soo saaray shirkii ka furmay dalka Jabuuti 15/06/2020 Ergeyga Qaramada Midoobay James Swan oo gaaray magaalada Hargeysa 03/02/2021 Dhageyso:_Warka Duhur ee Idaacada Warsan 27/07/2021 Somalia’s international partners gravely concerned over clashes near Tukaraq, call for ceasefire 24/05/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.