Akhriso:- Sababta uu u baaqday Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka written by Warsan Radio 07/01/2023 Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta qorsuhu ahaa inay yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah, hayeeshee uu u baaqday sababo la xiriira kooraam la’aan kadib markii Xildhibaannada intooda badan ay soo xaadiri waayeen.Ajnaha Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta koowaad ee hindise sharciyedka Hey’adda Sirdoonka, hayeeshee ay suurto geli weeysay in uu Kulanka Maanta qabsoomo.Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) oo aad uga carooday baaqashada Kulanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay tahay mid aan wanaagsaneyn in Xildhibaannada, iyaga oo caadifaad qaba oo aan fasax ku maqneyn ay ka maqnaadaan Kulamada golaha Shacabka.Waxaa uu ka dalbaday Guddiga Anshaxa ee Golaha Shacabka inay guddoonka u soo gudbiyaan liiska Xildhibaannada marwalba ka maqan fadhiyada Baarlamaanka si tallaabo looga qaado, wuxuuna sidoo kale Xildhibaannada u soo jeediyay in qofkii ay dhib ku tahay kursiga Xildhibaannimo uu isaga tago.Dhinaca kale Xildhibaannada kala ah Cumar Shariif Jeeg iyo Cadifitaax Qaasim ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar walba uu kooran la’aan u baaqdaan kulamada Golaha Shacabka, waxaana sigaar ah Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg uu sheegay in Xildhibaannadii Maanta maqnaa ay u imaan waayeen sababo la xiriiray khalqal amni oo ay dareemayeen.Si kastaba kulanka ugu soo horreeya ee Golaha Shacabka ee furmi doona Maalinta Isniinta ah ayaa la filayaa in la horkeeno hindise sharciyedka Hey’adda Sirdoonka , lana marsiiyo akhrinta Koowaad hadii uusan baaqan kulanka. Akhriso:- Sababta uu u baaqday Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka was last modified: January 7th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan next post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee idaacada Warsan You may also like Maxamed C/risaaq “Kenya iyo Soomaaliya waa ku qasban yihiin inay soo celiyaan xiriirkooda” 21/12/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/10/2019 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 02/03/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/07/2021 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 23/01/2017 Dowladda Somalia oo ka qeyb-gashay shir looga hadlay arrimaha is-dhexgalka ganacsiga ee dalalka Geeska Afrika. 27/06/2021 Puntland oo iska fogeysay inay xayiraad kusoo rogtay ganacsiga gobolada kale ee dalka 22/04/2020 Dhageyso:-Ciidamo iyo dad shacab oo duleedka Wanleweyn lagu laayey, 09/11/2017 Dhageyso:-Qeybta 2 aad ee Barnaamijka nafaqada wanagsan iyo badqabka Cunada 04/01/2021 Wasiirka Gaashaandhigga & Madaxweynaha Galmudug oo kormeer Amni ka sameeyay Xarardheere 24/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.