Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan written by Warsan Radio 14/01/2023 Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa Jimcihii xukun ku ridday shirkad uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, ka dib markii lagu helay dembi la xidhiidha ‘wax isdaba-marin dhinaca cashuuraha ah’ oo socotay muddo 15 sannadood ah.Garsoore Juan Merchan oo ka tirsan maxkamadda dembiyada ee Manhattan ayaa ku xukumay shirkadda Trump lacag gaadhaysa illaa $1.6 milyan oo dollar oo ganaaxa, waana ganaaxa ugu badan ee suurto gal ah marka la eego sharciga gobolka.Madaxweynaha hore ayaa isagu hore u dedafeeyey inuu wax ka ogaa in madaxdiidu ay si sharci darro ah uga dhuumanayeen cashuuraha.Garsoore Merchan ayaa Salaasadii wuxuu xukun ku riday Allen Weisselberg oo muddo nus qarni ah u shaqaynayey qoyska Trump, ahaana madaxii hore ee maaliyadda ee shirkadda Trump, wuxuuna ku xukumay shan bilood oo xadhig ah.Susan Necheles, oo ka mid ah qareenada difaacayay, ayaa sheegtay in shirkadda Trump ay qorsheyneyso inay racfaan ka qaadato.Sidoo kale qoraal ka soo baxay shirkadda ka dib markii xukunka la soo saaray ayay ku sheegeen inaanay wax khalad ah samayn, isla markaana ay xukunkaas racfaan ka qaadanayaan.Xeer Ilaaliyaha Degmada Manhattan Alvin Bragg, oo xafiiskiisu uu keenay kiiska, ayaa wali wada baaritaan dambiyeedka hab-dhaqanka ganacsi ee Trump. Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan was last modified: January 14th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Faransiiska iyo Jarmalka oo ku baaqay in Afrika ‘kuraas joogto ah laga siiyo golaha ammaanka ee QM’ next post Madaxweyne hal mar $10,700 rooti ku iibsaday, jalaatona ku gatay $1,600 You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 30/11/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/09/2020 Daawo Dalka Sweden waxaa ka dhacday xaflad ay iskugu yimaadeen aqoonyahano, culimo, waxgarad, haween iyo dhalinyaro kuwaas oo ka qeybgalay bandhig xafladeed ku saabsan Sinidguuradi 1aad ee joornaalky Hoghol ee lsgu qoro luuqada Afka Maayga 02/02/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/01/2021 Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Idaacada Warsan 26/12/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 06/08/2021 Xildhibaannada Baarlamaanka Federalka Oo Akhrinta 1-aad Marsiiyay Labo Hindise Sharciyeed 11/07/2020 Golaha Wasiirada Oo Loo Soo Bandhigay Miisaaniyadda Dowladda Ee 2021-Ka 26/10/2020 Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Xero Milateri oo ku taalla duleedka Kismaayo 26/01/2024 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 07/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.