Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. written by Warsan Radio 17/01/2023 Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar khasaare nafeed dhaliyey ku qaaday saldhig ay militariga dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ilaa 75km waqooyi ka xiga Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal xooggan.Weerarkan ayaa al-Shabaab ay u adeegsadeen qaraxyo iyo maleshiyaad weerar ah, waxaana iska caabiyey militariga, sida uu sheegay Taliyaha militariga Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda.Militariga Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa warar is-khilaafsan kasoo saaray khasaaraha dagaalkii halkaas ka dhacay.Taliyaha militariga Jeneraal Odowaa ayaa xaqiijiyey dhimashada shan askari. Dadka dhintay waxaa ka mid ah sarkaal sare oo lagu magacaabay Col. Abshir Shataqey. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku dileen 21 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab.Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay ciidamada dowladda ku gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaraya illaa 63. Ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta sheegashadooda.Weerarkan ayaa imanaya ayada oo kooxda Al-Shabaab horey looga saaray inta badan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guud ahaan maamul goboleedka HirShabeelle, hase yeeshee waxay weli sii waddaa inay weeraro ka fuliso gobolka. Al-Shabaab oo weerar dhimasho leh ku qaaday saldhig ku yaalla Sh/Dhexe. was last modified: January 17th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Ciidamada dowladda oo qabsaday Ceeldheer You may also like Lafta Gareen oo war ka soo saaray soo xulidda xubnaha BF ee deegaanada KGS 29/09/2020 Darawal Mooto oo 1 Dollar dartiis loogu dilay Degmada Afgooye 02/09/2023 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 20/12/2022 Dadkii ugu badnaa oo ka barakacay fatahaadaha Afgooye 24/07/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 14/10/2021 Taliyaha Ciidanka lugta oo gaaray Beledweyne 17/01/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 28/12/2017 Booliska Dalka Mareykanka Oo Ku Wareersan Cidda Dishay Dhallinyaro Muslimiin Ah 07/08/2022 Akhriso:-Donald Trump oo lagu eedeeyay in ereyo ay cunsurinimo ku jirto ku weeraray 4 dumar ah oo ka tirsan Congresska Maraykanka. 15/07/2019 Madaxweynaha Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb 02/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.