Somalia oo heshiis Seddex geesood ah la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS written by Warsan Radio 13/12/2023 Waasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka Soomaaliya ugu saxiixay heshiis saddex geesood ah oo ay wada galayeen DFS, UNSOS iyo ATMIS, kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya.“Waxaan magaalada New York ee dalka Mareekanka ku kala saxiixannay heshiis saddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”. ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu shalay ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya. Somalia oo heshiis Seddex geesood ah la saxiixatay UNSOS iyo ATMIS was last modified: December 13th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo Shixnado gargaar ah u dirtay Gobolka Hiiraan next post Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza You may also like Hoggaamiyihii hore ee Chad Hissène Habré oo geeriyooday 24/08/2021 Banaanbaxyo ayaa ka socda Hargeysa 22/01/2022 Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Diiwaan-geliyay Xisbiyo Cusub 01/07/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay guddoonka Maxkamadda gobolka Benaadir 20/10/2022 Daawo Video wafdi ka socda hay,adda cunada aduunka WFP iyo Hay,adda UNICEF ay soo gaareen magaalada baydhabo 07/02/2017 Dahgeyso: Barnaamijka Dhacdooyinka Warsan 11/04/2023 Dowladda oo ciidan hor leh u daabushay Gobolka Gedo (SAWIRRO) 20/12/2020 Madaxweynaha Galmudug oo Wasiiro cusub Magacaabey 26/04/2020 Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Nairobi 13/09/2022 Kumaandooska Danab oo hawlgalo ka wada deegaanada Gobolka Mudug 10/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.