
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu kala hadlay sidii dalkiisa u gaari lahaa Badda Cas.
Abiy Ahmed oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa ku jiro xaalad Xabsi Juquraafeed ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay inaysan caqli-gal ahayn in dal ay ku nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof uu ahaado mid bad la’aan ah, isagoo arrintaas ku tilmaamay caddaalad darro.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ku dooday in koritaanka dhaqaalaha Itoobiya uusan sii jiri karin haddii aanay helin marin badeed ay iyadu maamusho.
Inkastoo Abiy Ahmed uu si cad Turkiga uga codsaday taageero ku aaddan hamiga Itoobiya ee dhinaca badda, Madaxweyne Erdogan ayaan weli bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan codsigaas gaarka ah.
Xukuumadda Ankara ayaa hadda dhex-dhexaadin ka dhex wada dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, ka dib markii uu dhashay khilaaf xooggan oo salka ku haya heshiiskii is-faham (MoU) ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku tilmaamtay mid sharci-darro ah oo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda.
Itoobiya ayaa bad la’aan noqotay sanadkii 1993-kii markii ay Eritereya ka go’day, tan iyo xilligaasna waxay raadinaysay wado kasta oo ay mar labaad ku gaari karto Badda Cas si ay uga gudubto ku tiirsanaanta dekedaha dalalka deriska ah.
