Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumaddu bilowday dib-u-habeyn lagu nidaaminayo waxbarashada Islaamiga ah, isagoo xusay in markii ugu horreysay dugsiyada Qur’aanka lagu daray nidaamka rasmiga ah ee waxbarashada dalka.
Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dugsiyada Qur’aanka loo aqoonsan doono qeyb rasmi ah oo ka tirsan manhajka waxbarashada dowladda, isla markaana yeelan doonaan manhaj mideysan, shahaado iyo kormeer ay maamusho Wasaaradda Waxbarashada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in mustaqbalka aan loo oggolaan doonin qof aan haysan tababar iyo shahaado la aqoonsan yahay inuu ka noqdo macallin dugsi Qur’aan, isagoo xusay in macallimiinta la tababari doono, dugsiyadana lagu dari doono qorshaha horumarinta waxbarashada ee dowladda.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in xukuumaddu waddo qorshe lagu dhisayo Golaha Sare ee Culumada Soomaaliyeed, kaas oo uu sheegay inuu soo saari doono fatwooyin mideysan oo rasmi ah, si loo mideeyo aragtida diimeed ee laga gudbinayo masaajidda iyo goobaha kale ee diinta.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin siyaasadda dowladda ee lagu nidaaminayo waxbarashada Islaamiga ah iyo doorka ay diintu ku leedahay bulshada Soomaaliyeed.
