Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo mucaaradka ay xaq u leeyihiin inay soo bandhigaan aragtiyahooda siyaasadeed, balse wuxuu ku adkeystay in aragti kasta ay noqoto mid dhiirrigelinaysa horumarka dalka iyo ilaalinta dowladnimada.
Wasiirku wuxuu sheegay in doodaha la xiriira hannaanka doorashooyinka ay galeen marxalad cusub, isagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah mucaaradka inay ku guuldareysteen inay soo bandhigaan aragti siyaasadeed oo beddel u noqon karta nidaamka cusub ee doorashooyinka.
Wuxuu sheegay in halkii ay ka keeni lahaayeen xalal, ay hadda ku baaqayaan in dalka dib loogu celiyo nidaamkii hore.
Cali Xoosh ayaa xusay in lix dowladood oo is xigay ay dalka hoggaamiyeen tan iyo dib u dhiska dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay dhammaantood ku yimaadeen doorashooyin dadban.
Sida uu sheegay, saddex ka mid ah waxay ahaayeen dowlado ku-meel-gaar ah, halka saddexda kalena ay ahaayeen dowlado rasmi ah.Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hadda u gudubtay nidaamka doorashada qof iyo cod, isagoo ku tilmaamay isbeddelkaas mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ah in ay si toos ah u doortaan hoggaankooda.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku eedeeyay siyaasiyiinta weli taageersan doorashooyinka dadban inay kasoo horjeedaan isbeddelka siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in baaqyada lagu doonayo in dib loogu laabto nidaamkii hore aysan waafaqsanayn danaha Soomaaliya iyo rajada laga qabo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Isagoo ka hadlay jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, Cali Xoosh wuxuu sheegay in dowladdu ay u aragto dalka inuu galay marxalad cusub oo ku saleysan dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.
Wuxuu sheegay in jihada ay dowladdu dooratay ay tahay mid hore u socod ah, isla markaana mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya ay go’aamin doonaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay in aan dib loogu laaban doonin nidaamyadii hore ee doorashooyinka dadban.
Hadalka wasiirka ayaa yimid, xilli Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu soo jeediyay in la dhiso Gole Kumeel-gaar ah oo loo dhan yahay, kaas oo maamula marxaladda kala-guurka, dib u soo celiya sharciyadda hay’adaha dowladda, hagana dib-u-habaynta dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka ilaa laga soo dhisayo hay’ado qaran oo sharciyaddoodu la wada aqoonsan yahay.
