Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Aadan Madoobe, ayaa sheegay in horumarka dowlad-dhiska Soomaaliya uu ku xiran yahay wada shaqeyn dhow oo dhex marta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada dhinac kasta.
Aadan Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay ixtiraamto xuquuqda iyo karaamada Dowlad-goboleedyada, halka Dowlad-goboleedyadana laga doonayo inay si buuxda ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka si loo gaaro himilooyinka guud ee dalka.
“Waa in Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu yeeshaan hal himilo oo ay ku mideysan yihiin, si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada shacabka,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in wasiirrada iyo hay’adaha Koonfur Galbeed looga baahan yahay inay si cad u fahmaan istaraatiijiyadda iyo qorshayaasha dowladda, isla markaana ay si mideysan uga wada shaqeeyaan hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh.
.Hadalka Aadan Madoobe ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Dowlad-goboleedyadu ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada maamulka, horumarinta adeegyada iyo dardargelinta qorshayaasha dowladda ee sannadaha soo socda.
